Faaidooyinka Guud Mooska Waxaa Kamida:
1. Caafimaad qabka wadnaha
Mooska waxuu dhowr siyaabood u caawiya caafimaadka wadnaha iyo wareega dhiigga
2. Kantaroolida kalastaroolka
Mooska maadaama fiber badan ku jirto wuxuu isu dheelitiraa heerarka kolestarooka oo ay ku jiraan nooca loo yaqaan lipoprotein cufnaanta hoose (LDL) oo sidoo kale loo yaqaan kolestaroolka xun
3. Waxaad ka heleysaa enerji
Moosku maadaama biyuhu ku yaryahay,wuxuu leeyahay kalooriyo badan iyo sonkor badan marka lala barbardhigo miraha kale. Wuxuu ka koobanyahay sonkor ah noocyada sucrose,fructose iyo glucose oo ay wehliso fiber, taas oo kuu ogalaanaysaa inaa enerji badan heshid.
4. Hurdo wanaag
Mooska waxa uu bixiyaa nafaqooyin badan oo kaa caawinaysa in aad si fiican u seexato habeenkii, sida potassium iyo magnesium oo murqaha dajiya.
5. Caafimaad qabka habdhiska dheefshiidkaWaxuu wanaajiya dheefshiidka madaama ay ku jirto fiberka cuntada ee nidaamisa mindhicirka
6. Ka hortaga xanuunada ku dhaca kilyaha
mooska ayaa lagu tiriyaa inuu yahay miro muhiim u ah caafimaadka insaanka sababtoo ah wuxuu ka kooban yahay fiber iyo antioxidants fiitamiino iyo macdano badan oo jirka ka caawiya in uu helo faiidooyin caafimaad oo badan oo ay kamid yihiin nidaaminta heerka sonkorta dhiiga iyo ilaalinta caafimaadka kelyaha
7. Waxuu taageera waxqabadka jimicsiga
8. Ka hortaga cancerka
Daraasad ay samaysay jaamacada california usa ayaa muujisay in cunista caruurta ee mooska ey la xiriirto hoos udhigista khatarta kansarka. moosku wuxuu qani ku yahay vitamin c oo ah antioxidants.
9. Koritaanka tinta
Antioxidants ee ku jira mooska ayaa nafaqeeya oo kor uqaada caafimaadka madaxa, taas oo si togan u saamaysa caafimaadka tinta.
waxaa xusid mudan in antioxidants ay gacan ka geystaan baabiinta cadaadiska oksaydhka, kaas oo si xun u saameeya caafimaadka tinta.
0 Comments